|
Mashruuca waxbarashada shilaabo Q1 |
|
Written by hasan
|
|
Wednesday, 02 January 2008 |
|
Sidee ku aasaasmay Mashruuca W/barashada ee Shilaabo? Bishii December ee 2003 ayaa qaar kamida bulshada qurbaha joogta ee reer Shilaabo kulan ku yeesheen magalaada London ee boqortooyada Ingiriiska.Kooxdani waxay baadi goob ugu jireen sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka bulsho ee soo jireenka ah ee hadheeyey guud ahaan deegaanka Ogadenia gaar ahaanna degmada Shilaabo iyo nawaaxigeeda. Waxay isweydiiyeen bal sida nolosha bulshada ay ka soo jeedaan ee reer-Shilaabo oo aan muddada dheer waxba iska beddelin wax looga beddelikaro.Waxaa aad loo lafo guray; dhibkan deegaanka ka jiraayi ma mid lamataabtaan ah oo aan loo babacdhigi karinbaa mise waa mid lawaajihi karo?Ma mid Dawlad iyo Hay’ado shisheeye sugayaa oo aan cidkale farsaari Karin?Sidee ayeey suurto gal u noqon in koox yar oo kooban oo qurbe joogta ay wax ugu qaban karaan Bulsho ay baahideedu aad uga baaxadweyntahay awoodda koox yar? |
|
Last Updated ( Monday, 14 January 2008 )
|
|
Read more...
|
|
|
Mashruuca W/barashada Q2-aad |
|
Written by hasan
|
|
Saturday, 05 January 2008 |
|
Qaybtii 2aad Waxaan ku soo gudajirnay aasaaskii iyo taariikhdii mashruuca waxbarashada ee Shilaabo.Markii uu kulankii London dhammaaday xubnihii isugu yimid waxay soo saareen dhawr qodob oo ay kamid yihiin: - In la dhiso guddi Hawl-wadeen oo ku meel gaadh ah
- In la dhiso sanduuq dhaqaale iyo qaaraan-bileed joogto ah
- In la baahiyi fikirkan oo la gaadhsiiyo Jaalidda reer-Shilaabo meelkastow joogtaba iyo qodobbo kale.
|
|
Last Updated ( Monday, 14 January 2008 )
|
|
Read more...
|
|
|
Written by Web Master
|
|
Monday, 02 June 2008 |
|
Shilaabo waa magaalo da' wayn, waxay ku taal gobolka qoraxay ee wadanka Ogaden, waxay leedahay taariikh qoto dheer, iyo cimilo gaar ah.
Sidaad sawikaba ku aragtaan waxay magaaladu caan ku tahay, Ceelka loogu magac daray, kaas oo taariikh wayn ugu fadhiya magaalada iyo deegaanka ku xeeranba, waa ceelka hal hayska u yeeshay " Waa shilaaboo waa shan xadhiglee nin walbow shubo ", waxaana la misaalayaa baaxadda iyo waynaanta ceelka kasokow in degaanku uu yahay degaan dadkiisu oggol yahay is dhexgalka iyo wada noolaashaha. Taariikhda Magaalada kala soco qormooyinka soosocda.... |
|
Last Updated ( Monday, 14 January 2008 )
|
|
|
Taariikhda Baadhitaanka Shidaalka Ogadenya |
|
Written by hasan
|
|
Saturday, 05 January 2008 |
Taariikhda Baadhitaanka shidaalka Ogadenia & Khaliijkaba Qaybta 1aadSoo bixitaankii diinta Islaamka ka hor, waxaa gobolka Bariga dhexe ka jiray labo quwadood oo isku herdin jiray sidey u maamuli lahaayeen kheyraadka iyo shucuubta gobolka. Shucuubta gobolka ku noolna waxay la kala safnaayeen labadaas quwadood. Haddaba labadan quwadood maxay ahaayeen? Waxay kala ahaayeen, Boqortooyadii Ruum (Eastern Roman Empire or Byzantine) iyo Boqorooyadii Furus (Sassanids) |
|
Last Updated ( Tuesday, 15 July 2008 )
|
|
Read more...
|
|
|